Himilo- Nin u dhashay Koonfur Kuuriya oo 26 jir ah ayaa lagu helay dambi ah inuu ka baxsaday waajibaadka qaran kadib markii uu si ula kac ah miisaankiisa u kordhiyay si uu uga fogaado inuu ku biiro ciidanka militariga.
Maxkamadda ku taal Seoul ayaa dhowaan ninkan ku xukuntay hal sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay inuu jabiyay sharciga Adeegga Milatariga.
Ninkan ayaa miisaankiisa kordhiyay isagoo laba jibaaray cuntada iyo biyaha ka hor baaritaanka caafimaad ee looga baahnaa inuu u galo ciidanka.
Wuxuu raacay hab lagu kordhiyo miisaanka oo uu saaxiibkiis usoo jeediyay.
Saaxiibkii, oo lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah, ayaa iska fogeeyay eedeymaha isaga oo sheegay inuusan waligiis u maleynin in ninkaan uu arrintaas ku dhaqaaqi doono.
Ninkan ayaa lagu qiimeeyay heerka labaad (grade 2) intii lagu jiray baaritaankiisii hore ee caafimaadka bishii Oktoobar, taas oo u qalantay inuu ka mid noqdo ciidanka Militaria. Balse waxa uu kordhiye miisaankiisa si uu ugu dhaco baaritaanka labaad oo ciidanka loo qaadan lahaa. miisaankiisu waxa uu gaaray 102kg.
Koonfur Kuuriya waxay ku waajibisaa dhammaan ragga inay ugu yaraan 18 bilood ka shaqeeyaan ciidamada militariga.