Muqdisho – N’Golo Kante, Neymar iyo Luka Modric ayaa ka mid ah shanta xiddig ee loo hor magacaabay 30-ka ciyaaryahan ee u tartami doona abaal marinta Ballon d’Or.
France Football ayaa soo saartay 30-ka ciyaaryahan ee u sharraxan abaal marinta Ballon d’Or.
Hayeeshe, sheekada layaabka noqotay ayaa ah in shanta xiddig ee ugu soo horumartay aysan ku jirin Messi iyo Ronaldo, inkasta oo liisku uusn ku xirneyn codeynta.
Liiska abaal-marinta Ballon d’Or waxaa ku jira N’Golo Kante, Neymar iyo Luka Modric.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea iyo xulka France, N’Golo Kante ayaa ku jira liiska abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea, N’Golo Kante ayaa kamid noqday shanta xiddig ee loo hor magacaabay 30-ka ciyaaryahan ee u sharraxan Ballon d’Or 2017, sida ay qortay France Football.
Abaalmarintan, oo xiriirka FIFA hoos imaaneysay intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2015, waxaa ku guuleysanayey midkood Cristiano Ronaldo ama Lionel Messi sagaalkii sano ee lasoo dhaafay.
Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or sannadkii hore si uu hal abaal marin uga hooseyo Messi, xiddiga reer Portugal iyo Real Madrid ayaa si aad loola xariirinayaa in uu mar shanaad hanti doono sanadkan.
Neymr-ka Paris Saint-Germain, labada ciyaaryahan ee Real Madrid, Marcelo iyo Luka Modric, iyo Paulo Dybala-ha kooxda Juventus ayaa ah afarta kale ee liiska shantan kasoo muuqday.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.