Himilo- Inaad leedahay weji dhalinyar waa raasamaal aan la helin. Laakiin 44 jir ku nool dalka Shiinaha oo wejigiisa uu u eg yahay cunug jira kala bar da’diisa, waxay ku noqotay habaar.
Waayo ma guursan karo. Qof walbana wuxuu u maleeyaa cunug muuqaalkiisa koobaad.
Zhu Shengkai oo ku nool gobalka Xiang wuxuu dhaawac madaxa kasoo gaaray 6 jirnimadiisa u galay qaliin beddelay inta noloshiisa ka dhiman.
Isaga oo la ciyaaraya carruur ficiisa ah, waxaa dhagax looga dhiftay madaxa. In kasta oo waalidkiisu ay degdeg ula tageen isbitaalka si loo dabiibo, haddana Zhu wuxuu helay daryeel fiican oo caafimaadkiisa usoo celiyay.
Balse hal mid ayuusan dib u helin. Taasina waa muuqaalkii uu lahaa oo marnaba aan is-beddelin taniyo markaas.
Dadku hadda marka ay ag marayaan waxay u maleeyaan carruurta xaafadda.