Home / Arrimaha Bulshada / 4,500 kun oo ruux oo u geeriyootay kuleelkii ugu darnaa ee England ku dhufta.

4,500 kun oo ruux oo u geeriyootay kuleelkii ugu darnaa ee England ku dhufta.

Himilo _ Daraasad dhawaan soo baxday ayaa muujineysa tirada dadka u geeriyooday kuleelkii ugu darnaa taariiqda England oo sanadkii 2022-ka ku dhuftay. Tirada ladiiwaan galiye ee u geeriyootay cimilada kulul waxay gaartay 4,507 ruux.

Bishii ugu kululeed badneed ee Britain laga diiwan galiyo waxay aheyd July 2022, markaa uu heerkulku gaaray 40 degrees Celsius taas oo isbadalka cimilada sii kordhaya muujineysa.

Xafiiska tirakoobka qaran ee Britain oo soo saaray cilmi barista waxa uu sheegay in sanadkaa uu ahaa mid ka duwan sanadihii ay horay u arki jireen, marka loo eego heerka uu kuleelku gaaray.

Intii u dhaxeyse 1988 illaa 2022-ka, 51,670 ayaa u geeriyootay hawada oo kululaatay halka 199,298 qofna ay u geeriyoodeen qabow daran oo dalkaa ku dhuftay.

Meesha dhimashada ugu badan ay ka dhacday waa magaalada London halkaa oo heerkulku gaaray 29 degrees Celsius.

Sanadkan oo ay jirtay cabsi badan oo kuleel ah waxaa dhacay cagsi kadib markii 30 maalin oo xariir ah uu heerkulku gaartay 30 degree oo qabow ah.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan