Home / Caafimaad / 5 aragti oo dad badan aaminsan yihiin oo caafimaad ahaan la hubiyay

5 aragti oo dad badan aaminsan yihiin oo caafimaad ahaan la hubiyay

Himilo – Waxaa Jira tallooyin badan oo markasta ku saleysan caafimaadka oo dadka wadaagan, waxaana suura gashay in qaarkood la hubiyo iyadoo la isticmaalayo baaritaano.

Waxaa jirtay aragti tilmaamtay in cunista hal tufaax ah maalin kasta in qofka uga maarmi karo tagista isbitaal, tani waxaa xaqiijisay daraasad ay sameysay jaamacadda Oxford.

Waxaa lagu sheegay baaritaanka in Ingiriiska la badbaadin karo nolosha 8500 qofood haddii qof kasta oo ka weyn da’da 50-ka sanno uu maalin kasta qaato hal tufaax.

Tan iyo muddo dheer waxay dadka wadaagi jireen talada caafimaad ee ah in qof uusan cunto qaadan xilliga danbe ee habeenkii, waxaa tani xaqiijiyay daraasad la sameeyay dhawaan oo muujisay khatarta caafimaad ee laga dhaxli karo arrintaasi.

Aragtida kale ee ah saameynta daawashada telefishinka ee aragga indhaha waxaa tilmaamay baaritaan muujiyay in shucaaca ka soo baxa telefishinka iyo taleefanada casriga ah uu khatar ku yahay aragga indhaha.

Haddii aad kamid tahay dadka doonaya inay dhimaan miisaankooda, fikirka ah in basbaaska uu noqon karo mid kaa dhima miisaanka culus waa sax sida ay tilmaamtay daraasad.

Waxaad horay u maqashay in korootada u wanaagsan tahay indhaha. Aragtidani waa dhab sida lagu sheegay baaritaan cusub.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan