Home / Habka-Nolosha / 5 dal oo aan laheyn garoomo diyaaradeed!

5 dal oo aan laheyn garoomo diyaaradeed!

Himilo FM –Garoomada diyaaradaha waxay muhiim u yihiin dal kasta. Way adag tahay inaad rumeysato inay jiraan dalal aan laheyn garoomo hase ahaatee tani waa xaqiiqo.

Waxaa jira dhowr dal oo aan sameysan garoomo diyaaradeed. Dadka doonaya inay tagaan dalalkan ayaa ku qasban inay ka degaan garoomada ku dhaw si ay u galaan safar dhinaca dhulka.

1) Monaco

Waa dalka labaad ee ugu yar caalamka. Malaha garoon diyaaradeed xilli ay ku nool yihiin dad badan oo maalqabeeno ah. Qofka doonaya in uu tago, waxa uu ka degayaa garoonka Nice Côte d’Azur ee Faransiiska isaga oo galaya safar dhinaca dhulka oo aan ka badneyn 25 daqiiqo si uu u gaaro Monaco.

2) Vatican

Waa dalka ugu yar dunida oo dhan. Vatican-ka oo ku yaalla bartamaha caasimadda Talyaaniga ayaan sameysan garoon diyaaradeed iyadoo ugu wacan tahay badka yar ee dalkaasi uu ku fadhiyo. Dadka booqanaya waxay ku qasban yihiin inay tagaan Rome iyaga oo halkaasi ka bilaabaya safar dhinaca dhulka ah.

3) San Marino

Si lamid ah Vatican-ka, San Marino waa dal dhaca bartmaha Talyaaniga oo ay ku nool yihiin 33 kun oo qofood. Dadka kuma tagi karaan dalkan yar diyaarad waayo malaha garoon diyaaradeed. Garoonka ugu dhaw waa Rimini.

4) Liechtenstein

Waxa uu dhacaa bartamaha Yurub. Dadka doonaya inay tagaan, waxay adeegsadaan garoonka Zürich Airport ee Switzerland oo ka fog 39 km.

5) Andorra

Waa dal yar inkastoo uu ka dad badan yahay Monaco. Malaha garoon diyaaradeed, dadka tagaya waxay sii marayaan garoomada ku yaalla Spain iyo Fransiiska iyagoo sii galaya safar dhinaca dhulka ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan