Home / Caruurta / 5 jir aragga la’ oo xafiday Qur’aanka kariimka

5 jir aragga la’ oo xafiday Qur’aanka kariimka

Himilo – Xuseen Maxamed Tahir, waa shan sanno jir aragga naafa ka ah oo xafiday dhammaan kitaabka quraanka, waxaa ka caawiyay taasi dhageysiga raadiyaha.

Waxa uu arag la’aan ahaa tan iyo markii uu dhashay, waalidiintiisa waxay deggan yihiin dalka Sacuudiga oo uu kula nool yahay gaar ahaan magaalada Jeddah.

Xuseen ma aheyn qof awood  u leh daawashada Tv-ga balse tan iyo markii uu aabbihii keenay guriga raadiyo, waxaa u billowday waddadii xifdinta qowlka Eebbe.

Maxamed Tahir oo ah aabbaha dhalay wiilka ayaa warbaahinta u sheegay in sababta uu Raadiyaha u keenay aheyd in wiilkiisa uu keliya dhageysto akhrinta aayadaha, balse Xuseen markii uu jirey seddex sanno uu arkay in uu Quraanka xafiday.

Tani waa mid kamid ah mucjisooyinka uu Rabbi ummadiisa ugu deeqo, Xuseen waxa uu helay fursaddaasi ah in uu xafido dhammaan aayadaha Quraanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan