Home / Macluumaad / 5 su’aal oo ay tahay inaad weydiiso loo shaqeeyaha inta uu socdo wareysiga shaqada

5 su’aal oo ay tahay inaad weydiiso loo shaqeeyaha inta uu socdo wareysiga shaqada

Himilo – Dad badan ayaa la kulma culeysyo marka ay galayaan wareysiyada ku saabsan shaqooyinka, tani waxay saameyn xun ku reebtaa maamulayaasha iyo qofka oo ku weyn kara fursada shaqada.

Sida uu qoray wargeyska Times of India, waxaa jira shan su’aal oo qofka codsanaya shaqada uu weydiin karo maamulaha inta uu socdo wareysiga. Waxaa la rumeysan yahay inay saameyn wanaagsan ku reebi karaan qof qaadanaya shaqaalaha.

1) Fadlan ii sheeg shaqada shirkada ee maalin kasta?

Weydiintan waxay kamid tahay su’aalaha aad ku oggaan karto halbeegga maamulaha ee la xiriira sida uu ugu heelan yahay ka jawaabista su’aal kasta oo aad hordhigto. Waxay ku siineysaa tilmaam guud oo ku saabsan dhaqanka shaqada, wakhtiyada shaqada iyo maalmaha aad filan karto shaqo dheeraad ah.

2) Maxaa iga fileysaa 6-da billood ee ugu horreysa?

Su’aashan ayaa fure u noqon karta xog kasta oo ku qotonta waxa lagaa doonayo bisha ugu horreysa ee shaqadaada. Waxaa la rumeysan yahay inay saameyn toggan kaga tagayso qofka aad shaqada u doonatay.

3) Maxaa iga rajeynaysaa wakhtiga fog?

Jawaabta su’aasha 2aad kaddib, waa inaad oggaataa waxa shirkada kaa dooneyso in aad ku biiriso mustaqbalka dhaw. Waxay kaa bixin kartaa sawir wanaagsan oo shaqsiyadaada ah.

4) Maxaa ku cajab geliya oo shaqada ah?

Tani waxay kedis ku noqon kartaa qofka ku shaqaaleysiinaya iyadoo si wanaagsan u saameynaysa. Haddii uu durba ka jawaabo waxay ka dhigan tahay qof ku farraxsan shaqada.

5) Fadlan iiga sheekee qofkii ugu danbeeyay ee hayay shaqadan?

Waad weydiin kartaa su’aashan dhammaadka wareysiga. Waa muhiim inaad oggaato sababta uu qofkii hore uga tagay xilka iyo inta uu shaqeynayay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan