Himilo – Dad badan ayaa leh nasiib fure u noqda inay ku guuleystaan abaal-marino qaali ah ama ay kaga gudbaan xaalado adag oo nolosha ah sida Mark Clark oo labo jeer ku guuleystay bakhtiyaa nasiib ku kacaya 4 Milyan oo doolar.
Sida laga soo xigtay warbaahinta CNN-ka, Mark oo ka soo jeeda gobalka Michigan ee Mareykanka ayaa ku guuleystay bakhtiyaa nasiib lagu qiimeeyay 4 Milyan oo doolar labo jeer oo kala duwan.
Isaga oo la hadlayay shabakadda Mareykanka ayuu yiri “ Dad badan ma rumeysna in mar qura lagu guuleysan karo Malaayiin doolar, maxaad u maleynaysaa haddii labo jeer dhacdo taasi?
Sheekada ninkan ayaa u laabaneysa sannadkii 2017-kii markii isaga oo shidaalka ka iibsanaya goob uu sidoo kale qaatay tikit bakhtiyaa nasiib ah. Mar danbe ayaa la shaaciyay in uu yahay qofka ku guuleystay 4 Milyan oo doolar.
Dhacdadaasi kaddib, Clark ayaa mar kale iibsaday tikit kale oo uu ku noqday guulestaha rasmiga ah. Waxaa sidoo kale uu qaatay 4 Milyan oo doolar.
Mr Clark oo 50 jir ah oo la weydiiyay waxa uu ku sameynayo lacagta ayaa sheegay in uu gelinayo maal-gashi si gaar ah kalluumeysiga oo uu xiiseeyo.