Home / Habka-Nolosha / 50 jir qoday god dhulka hoostiisa ah si uu uga basaaso xaaskiisa hore!

50 jir qoday god dhulka hoostiisa ah si uu uga basaaso xaaskiisa hore!


Himilo FM – Dalka Maksiko, booliiska ayaa xeray nin dhowr saacadood ku jiray god dhulka hoostiisa ah oo uu qoday si uu uga basaaso xaaskiisa hore.

César Arnoldo Gómez oo ku nool gobalka Sonora ayaa laga helay godka hoostii isaga oo ay ka muuqdaan daal iyo diif darran. Waxa uu diiday in uu ka soo baxo godka illaa markii danbe loogu yeeray ciidamo.

Mr César oo 50 jir ah ayaa loo qaaday isbitaalka, waxaana lagu eedeeyay in uu jabiyay amar xarig ah oo ka soo baxay maxkamad.

Dacwad oogaha gobalka Sonora ayaa sheegay in Gomes uu godka qodayay dhowr maalin si uu uga basaaso xaaskiisa hore Griselda Santillán oo 58 jir ah islamarkaana deggan Puerto Peñasco oo ah magaalo dhacda gacanka California.

Sida laga soo xigtay wargeyska Maksiko ee El Universal, haweenayda ayaa u sheegtay booliiska inay dhawaaq ka maqlaysay gurigeeda muddo toddobaad ah, waana sababta keentay in la baaro hoyga.

“Waan ku qeyliyay si uu u soo baxo islamarkaana ima dhageysan,” ayay tiri Griselda.

Waxay intaa raacisay inay go’say xiriirka kala dhaxeeyay César sabab la xiriirta maseerkiisa xad dhaafka ah.

Booliiska ayaa xusay in Gomes uu ka cabanayay qaleel jirka ah isaga oo aan biyo cabin 24 saacadood. Waxaa lagu amray eedeysanaha in uusan u dhawaan karin hoyga xaaskiisa hore.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan