Home / Arrimaha Bulshada / 50 sanno kaddib ayuu helay farriin hambalyo waxbarasho ah!

50 sanno kaddib ayuu helay farriin hambalyo waxbarasho ah!

Himilo FM –Waxa uu ka qalin badashay jaamacadda University of Michigan sannadkii 1969 laakiin warqad hambalyo ah oo xilligaasi ka timid saaxiibbadii ayuu helay 50 sanno kaddib. Tani waa sheekada Robert Fink oo ay wax ka qortay warbaahinta Mareykanka.

Mr Robert ayaa warqad hambalyo ah oo la xiriirta guushiisa jaamacadda ee heerka koowaad waxaa u soo diray saaxiibbadii iyadoo warqadda ku soo dhacday qol wadaag ah oo kala dhaxeeyay saaxiibbadii maalin kaddib markii uu qolka ka tagay si uu isugu diyaariyo tacliinta heerka labaad ee magaalada Newyork.

“ Waan ka xunnahay ma joogin halkaasi si aan kuugu sacbino hase ahaatee quluubteenna iyo rajadeenna ayaa kula jirta,” sidaasi ayay u qorneyd warqadda oo lagu diray Telegram.

Warbaahinta Mareykanka ayaa soo warisay in warqadda loo soo diray Robert 2-dii bishii May ee sannadkii 1969 laakiin nasiib xummo uu maalin kahor ka tagay qolkiisa.

Bishii December ee tagtay ayuu Robert waxa uu farriin danabeed ka helay qof uusan aqoon oo la yiraahdo Christina Zaske oo deggan Michigan.  Waxay u sheegtay inay warqad isaga ku socotay ka heshay Telegram.

“ Si dhab markaan u hadlo, shaki ayaan ka qabay farriinta,” Robert ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan