Home / Macluumaad / 54,000 oo qoysas Jarmalka oo ka barakacay goob lagu arkay bam ka yimid dagaalkii 2aad

54,000 oo qoysas Jarmalka oo ka barakacay goob lagu arkay bam ka yimid dagaalkii 2aad

Jarmalka – Ku dhawaad 54,000 oo qoysas Jarmal u dhashay ayaa lagu wadaa in laga daad gureeyo guryahooda xilliga ciidda Kirismaska kadib markii bam ka yimid dagaalkii labaad ee dunida lagu arkay magaalada ay deganaayeen.

Bamka lidka diyaaradaha loo adeegsado oo culeyskiisu dhan yahay 1.8 ton ayaa laga helay magaalada Augsburg ee dalkaas, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AP.

Howsha qaadan doonta in lagu kala furfuro bamkan ayaa sababaysa in kumaakun dad ah laga daad gureeyo guryahooda si ay u nabad-galaan wax-yeelladiisa.

Qofna looma idmi doono inuu u dhawaado wadada ku dhow halka uu ku aasan yahay bamkani.

Helidda bambooyin qarxi kara oo ka yimid dagaalkii labaad ee adduunka ma ahan wax la dheereysto in mar kasta laga helo gudaha Jarmalka. Hayeeshe, bamkan ayaa baaxaddiisa awgeed sababay in halka uu ku aasan yahay laga daad gureeyo dadka ka agdhow.

Waxaa kale oo jiray bambooyin lagu arkay gudaha UK oo ka yimid dagaalkii labaad.

Jarmalka ayaa kamid ah dalalkii ku jabay dagaalkii labaad ee dunida. Waxaana ninkii hoggaaminayay ee Adolf Hitler uu isku dilay gacantiisa kadib markii ciidankiisu ku jabeen jiidaha hore dagaalkaas. Japan iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale ahaa kuwa lagu jabiyay dagaalkaas ee ka barbar dagaallamayay Jarmalka.

Dagaalkaas wuxuu soo afmeermay markii qunbulad nukliyeer ah uu Maraykanku ku riday magaalooyinka Hiroshima iy Nagosaki ee dalka Japan taas oo sababtay dhimashada 140,000 oo rayid ah.

Saameynta qunbuladaasi ku yeelatay dalka Japan ayaa ah mid raadkeeda wali laga heli karo qeybo badan oo dalkaas kamid ah gaar ahaan labada magaalo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan