Home / Macluumaad / 6 jir fasalka kowaad ee dugsi sare ku biiray dalka Holland.

6 jir fasalka kowaad ee dugsi sare ku biiray dalka Holland.

6 jir u dhashay dalka Belgiumka oo ku nool caasimadda dalka Holland ee Amsterdam ayaa bilaabaya fasalka kowaad ee dusiga sare .

77

http://radiohimilo.so

Loran Semonz ayaa kamid noqday ardeyda fasalka koowaad ee dugsiga sare  muddo sanad kahor.

Canugan da’diisu yar tahay ayaa ka gudbay imtixaanka dugsiga dhexe oo laga qaaday iyadoo maadooyinka uu ka keenay buundada ugu sareysa.

Aabihii, Alexander oo ah dhaqtar ilko, ayaa sheegay in imtixaanaadka IQga uu wiilkiisa ka helay 145%, wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay tahay mida u fududeysay in isagoo 6 jir ah uu ku biiro dugsiga sare ee Fayndoford ee ku yaala magaalada Amsterdam.

Mareegatada Dutch news ayaa qortay in markii ugu horeysay ay tahay dalka Holland oo wiil 6 jir ah uu ku biiro dugsiga sare.

 

W/T: Mahad Mohamed Ali

Email: Mahat335@gmail.com

Xigasho: Mareegtada Dutch news.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan