Home / Arrimaha Bulshada / Intee ayay la egtahay farxadda dadka reer Jarmal?

Intee ayay la egtahay farxadda dadka reer Jarmal?

Himilo FM –Seddex meelood labo meel dadka Jarmalka oo la wareystay kahor maalinta farxadda adduunka ayaa sheegay inay yihiin dad faraxsan sida lagu xusay cod bixin si wadajir ah u sameeyeen YouGov iyo machadka SINUS Institute.

66% dadka la wareystay oo ah 2026 qofood oo qaan gaar ah ayaa tilmaamay inay xilligan faraxsan yihiin sida laga soo xigtay natiijada cod bixinta oo la sii daayay maanta oo Talaado ah.

Dhinaca kale, 27% dadka ka qeyb galay cod bixinta ayaa sheegay inaysan farxad dareemeyn.

Mar la weydiiyay heerka farxadda Jarmalka, 46% dadka jawaab celiyay ayaa sheegay in guud ahaan dadka Jarmalka inay yihiin dad faraxsan.

Maalinta farxadda adduunka oo ku beegan maalinta berri ah (20 March) ayaa waxaa sameeyay golaha guud ee Qaramada Midoobay sannadkii 2012 kaddib shir hay’adda ka yeelatay farxadda.

Waxaa loo dabaal dagayay maalintan sannad kasta 20-ka Maarso tan iyo sannadkii 2013.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan