Himilo FM –Ra’yi uruurin caalami ah ayaa muujisay in 86% dadka isticmaala Internet-ka inay dhibanayaal u yihiin wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo shabakadaha gaar ahaan Facebook-ga.
Dadka ka qeyb galay ra’yi uruurinta ayaa tilmaamay inay xukuumadaha iyo shirkadaha tiknolojiyadda ka doonayaan inay kahortagaan dhaqdhaqaaqyada ka qeyb qaadanaya kalsooni darrada Internet-ka ee saameynta ku leh dhaqaalaha iyo wadahadalka siyaasadda.
Mareykanka ayaa dusha laga saaray mas’uuliyadda ugu badan ee wararka been abuurka ah ee dadka lagu marin habaabiyo, waxaa xiga Shiinaha sida ku cad ra’yi uruurinta oo ay ka qeyb galeen 25 kun qofood oo adeegsada Internet-ka.
Facebook-ga ayaa noqday halka ugu badan ee lagu faafiyo wararka been abuurka ah balse shabakadaha kale sida Youtube, Twitter iyo Blogs-ka ayaa lo adeegsadaa xoggo aan sax aheyn.
Natiijadda ra’yi uruurinta ayaa muujisay in dadka isticmaala Internet-ka ee jooga Masar inay noqdeen kuwo si sahlan loo marin habaabin karo halka inta Pakistan deggan noqdeen dad shaki badan.
Ra’yi uruurinta oo loo cuskaday wareysiyo qofeed ayaa la sameeyay intii u dhaxaysay Janaayo 2018 illaa Febraayo 2019.