Himilo FM –Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ayaa degay quluubta dad badan kaddib markii uu funaanad iyo kabo uu saxiixay uu u diray wiil sagaal jir Kenyaan ah kaasi oo fanaanad Arsenal ah gacantiisa kula qoray magaca Ozil iyo tirada 10 ee uu u xirto ciyaaryahanka.
Wiilkan oo lagu magacaabo Lawrence, markii uu arkayay saxafiga Eric Njiru oo bartiisa Twitter-ka sawirka soo dhigay qoraalka waxa uu raacayay Lo’.
Eric Njiru oo ah weriyaha daabacay qoraalka ayaa sidaan u dhigay sheekada “ Waxaan waddooyinka Nairobi ku arkay cunug yar oo wax daajinaya, xaqiiqdii magaaladu ma laheyn coos ay daaqaan sacaha” ayuu kusoo qoray boggiisa.
Waxa uu intaa sii raaciyay “Waxa uu igala hadlay in uu aad u jecel yahay Mesut Ozil ( Waad u jeedaa funaanadeyda), Laga yaabee in hal maalin ay gaari doonto kaddibna aan heli doono maaliyadda Arsenal oo dhab ah.”
Kaddib markii farriinta ay gaartay Ozil laacibka ayaa wiilka yar iyo qoyskiisa waxa uu ugu soo dhiibay saxafiga Njiru oo isagu daabacay qoraalka haddiyad ka kooban saxiixa funaanadiisa iyo kabo.
“ Sawirka wiilka Kenyaan-ka ah ee funaanadda uu isagu sameystay ee lasoo dhigay Twitter-ka aad ayeay ii taabatay.” Ayuu Ozil yiri.
” Hadda waad u jeedaa Lawrence iyo walaalihii aad ayay u faraxsan yihiin.”
Khadka dhexe xulka qaranka Germany ayaa aad ugu mahad celiyay saxafiga daabacay qoraalkan kaasi oo wiilka ka saaciday helidda wiilkan.
0 Unported CC BY 3 dapoxetine priligy is the one that is used therapeutically in sufferers suffering from diabetes