Home / Caruurta / 9 jirkii ugu horreeyay ee la filayay in uu ka baxo jaamacad oo joojiyay waxbarashada

9 jirkii ugu horreeyay ee la filayay in uu ka baxo jaamacad oo joojiyay waxbarashada

Himilo- Laurent Simons oo dhawaan loogu yeeray ardaygii ugu da’da yaraa ebid ee ka qalin jabinaya jaamacad ayaa go’aansaday in uu joojiyo waxbarashada sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Wiilka yar ee u dhashay Belgium-ka ayaa la filayay in uu ka baxo jaamacadda Eindhoven ee Holland bishan December. Waxa uu marqaatiga koowaad ka qaadan lahaa injineeriyadda korontada.

Khilaaf ka dhashay wakhtiga uu dhammeynayo jaamacadda ayaa niyadda ka dilay 9 jirka oo u socday in uu sameeyo rikoor caalami ah oo ay adag tahay in la jabiyo.

Maamulka jaamacadda ayaa u sheegay waalidka Laurent in uusan shaqeyneyn qorshihii hore islamarkaana la marsiinayo da’yarka tijaabooyin hor leh.

Wiilka yar ayaa ka carrooday go’aanka cusub ee maxkamadda isaga oo mas’uuliyiinta jaamacadda ku tilmaamay kuwa beenta la nool.

Hibadiisa xad-dhaafka leh ee aqriska iyo cilmi-baarista ayaa u sahashay inuu si fudud ku qeybo dhammaan casharadda loogu tala-galay manhajka jaamacadda.

Si kasta, jaamacadda ayaa ku adkeysaneysa inay ka qaadeyso wiilka yar tijaabooyin kale si uu qalin jabiyo bartmaha sannadka 2020.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan