Home / Arrimaha Bulshada / 92 sanno jir u dhalatay Belgium-ka oo Islaamka qaadatay markii ay raad ku yeesheen deriskeeda

92 sanno jir u dhalatay Belgium-ka oo Islaamka qaadatay markii ay raad ku yeesheen deriskeeda

Himilo – Georgette Lepaulle waa haweeneyda ugu da’da weyn dalka Belgium-ka, hadda waa 92-jir. Sannadkii lasoo dhaafay ayay islaamtay kaddib markii ay ku dhiira geliyeen qoys Muslim oo ay deris ahaayeen.

Muhammed oo ah qofka ku dhiira geliyay in ay islaamto ayay deris ahaayeen 50-kii sanno ee lasoo dhaafay. Kaddib markii ay islaamtay waxa ay kamid noqotay reerka Muhammad iyo xaaskiisa xilli qoyskeeda  bilaabeen in ay iyaga la noolaadaan. Muhammad iyo marwadiisa ayaa heysta carruur ka kooban wiil iyo laba gabar.

Muhammad ayaa horey u waayay hooyadii balse hadda waxa uu helay hooyo cusub oo lagu magacaabo Georgette. Mar ay warbaahinta la hadashay ayay tiri: “Waxaan ku jiheystay Islaamka, sababta igu dhiira gelisay in aan Islaamo ayaa aheyd markii aan arkay iyaga oo si wadajir ah u tukanaya. Waxa ay aheyd wax wanaagsan sida qofba qofka kale ula hadlayo isla markaanna u qaddarinayo.”

Georgette ayaa booqasho ku tagtay dalka Morroco iyada oo ay ku wehliyeen qoyska Muhammad intii lagu guda jiray bishii Ramadaan. Waxa ay halkaasi kusoo aragtay ashqaas badan oo gudanaya waajibka bisha Ramadan, way yaabtay markii ay oggaatay in ay qaadatay diinta Islaamka xilli danbe oo nolosheeda ah, balse aad bay ugu mahad celisay in goor danbe oo nolosheeda ah ay Islaamto.

Markii iyada iyo qoyska Muhammad ay kasoo laabteen safarka ayay dib ugu soo guryo noqdeen masjid ku yaalla magaalada Brussels, halkaasi ayayna ku islaamtay waxaana loo bixiyay Noor Islam. Georgette, hadda waa Noor Islam.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan