Himilo FM –Real Madrid oo muddooyinki ugu danbeeyay aad u raadineysay garab tayo sarre leh ayaa u dhaqaaqday laacibka mustaqbalka wanaagsan ku leh kooxda Manchester United ee Marcus Rashford. Da’yarka u dhashay qaranka England ayaa heshiis kula jira Red Devils kaasi oo dhacaya 2020.
Sida ay werisay Transfermarkt, laacibkan lagu qiimeeyo €65 million ayaa kor u qaaday tayadiisa ciyaareed, waxaana uu qeyb wanaagsan ka yahay xiddigaha guulaha ku hoggaamiyay tababare Ole Gunnar Solskjaer.
Sida laga soo xigtay Le10Spor, Real Madrid ayaa ogsoon inay baahi badan ka tabayaan weerarka iyaga oo doonaya inay halkaasi iska xoojiyaan, warbixinno ay werisay majaladda Metro ayaa ku waramaya in Red Devils ay kalsooni ku qabto barbaarkan iyaga oo doonaya inay heshiis wakhti dheer la galaan laacibkan.
Warbixino kale oo laga soo weriyay gudaha England ayaa shaaca ka qaaday in United ay siisan doonaan xiddigan £150,000 isbuucii.
Real Madrid ayaa hadda heysata da’yarka Vinicius kaasi oo wacdarooyin layaab kusoo bandhigay kooxda.
Marcus Rashford ayaa ku raaxeesanaya wakhtigiisa ugu wanaagsan masraxa riyada, isaga oo u muuqda in uu qeyb ka yahay laacibiinta sida tayada sarre leh ula cayaaraya macallim Ole Gunnar Solskjaer, waxaana uu barbarkan booska kala baxay Romelu Lukaku weerarka dhexe.