Home / Cayaaro / Dembele oo si adag ugu tababaranaya kulanka Man Utd ee Champions league

Dembele oo si adag ugu tababaranaya kulanka Man Utd ee Champions league

Himilo FM –Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa shaqo 100% geli doono si uu u ciyaaro kulanka Champions League ee Manchester United kaasi oo ka dhici doona Old Trafford 10-ka April.

Kooxda ayaa war kasoo saartay 14-kii March iyaga oo sheegay in ciyaaryahanka reer France uu garoomada ka maqnaan doono muddo seddex isbuuc ah ka dib markii uu dhaawac cajirka kasoo gaaray kulankii ay 5-1 kaga badiyeen Lyon.

AS ayaa soo warineysa in ciyaaryahankii hore ee Borussia Dortmund uu si adag ugu dagaalamayo sidii uu taam ugu noqon lahaa kulanka ay la qaadanayaan United.

Rafinha, Luis Suarez iyo Dembele ayaa ahaa ciyaartoydii ugu muhiimsanaa ee xaadira tababarka toddobaadkii intii lagu guda jiray fasaxa caalamiga ah.

Dembele oo ka mid ahaa ciyaartoydii ka soo qeybgalay ayaa si dhameystiran u qaatay tababarka maalinta oo dhan. 21 jirkan ayaa dhibaato badan waxaa ku haya muruqa,

Qorshaha ayaa ah inuu ku soo laabto labo isbuuc gudahood islamarkaana uu ciyaari karo daqiiqado yar ciyaarta uu la qaadanayo Atletico Madrid 6-da April si uu u tijaabiyo muruqa islamarkaana uu u safro Manchester kulanka muhimka ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan