Himilo FM – Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu xiiseynayo inuu dib ugu soo laabto xirfadiisa ciyaareed si uu tababare ugu noqdo Bundesliga.
56 jirkan ayaa shaqada ka maqnaa tan iyo markii laga ceyriyay Manchester United bishii December kaddib labo xilli ciyaareed iyo bar oo uu joogay Old Trafford.
Mourinho, oo lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Real Madrid ka hor inta uusan Zinedine Zidane dib ugu laaban kooxda ayaa durbadiiba tilmaamay in uu qorsheynayo in uu dib ugu soo laabanayo xirfadda tababarnimo xilli ciyaareedka 2019/20.
“ Bundesliga waxa uu isiinayaa tartan xiiso leh aniga ahaan, gaar ahaan kooxaha dabaqadda dhexe, kuwaas oo si joogta ah u horumara, islamarkaana abuuraya tartan guud oo wanaagsan,” ayuu Mourinho u sheegay jariirada Jarmalka ee SPORTbild.
Bayern ayaa haatan hoggaanka u heysa Bundesliga iyadoo dhibic ka sarreysa Borussia Dortmund xilli lix kulan ay ka harsan tahay.