Home / Cayaaro / Solskjaer “Goolkii aan ku dhaliyay Nou Camp waxa aan daawaday Malaayiin jeer.”

Solskjaer “Goolkii aan ku dhaliyay Nou Camp waxa aan daawaday Malaayiin jeer.”

Himilo FM –Waxa uu 366 kulan u saftay Manchester United isaga oo dhaliyay 126 gool, hadda waa tababaraha kooxda Man Utd oo uu seddex sanno u saxiixay kaddib markii wax fiican uu muujiyay seddexdii billood oo uu kooxda si ku meel gaar ah u maamulay.

Ninkan u dhashay dalka Norway ayaa dib u xasuustay finalkii Champions League ee 1999-kii markaasi oo uu goolka guusha Nou Camp ugu dhaliyey kooxda Bayern Munich.

Hadda 20 sanno ayaa laga joogaa wakhtigaasi, Solskjaer ayaa guuldarro kala kulmay Barcelona lugta koowaad ee siddeed dhammaadka Champions League oo ka dhacday Old Trafford iyaga oo habeen danbe lugta labaad la ciyaari doona kooxda reer Spain.

“Waxaan wax badan daawaday goolkii aan ka dhaliyey Nou Camp,” ayuu yiri Solskjaer.

Solskjaer ayaa keliya laba jeer tegay Nou Camp tan iyo 1999-kii, waxa uu mar raacay wiilkiisa Elijah oo daawade ka ahaa ciyaar katirsan El Clasico oo ay la ciyaareen Real Madrid halka booqashadii labaad ay aheyd kulan Barcelona ay 2-0 kaga adkaatay Atletico Madrid 6 April.

Solskjaer ayaa ugu danbeyn sheegay in uu sugi weysan yahay ciyaarta xigta ee habeen danbe.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan