Home / Cayaaro / Man City waxay lacag iyo Aguero kusoo iibsanayaan xiddig katirsan PSG

Man City waxay lacag iyo Aguero kusoo iibsanayaan xiddig katirsan PSG

Himilo FM– Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay tixgelinayaan in ciyaaryahan iyo lacag ay ku dalbadaan weerayahanka Paris Saint-Germain ee Neymar.

Isbuucii tagay, waxaa la hadal hayay in City ay isha ku heyso dalbashada xagaagan si ay u keenaan xiddiga qaranka Brazil, tababaraha Citizens ee Pep Guardiola ayaa doonaya 27 jirkan.

Neymar ayaa dhaliyay 48 gool 53 kulan oo uu u ciyaaray kooxda PSG tan iyo markii uu kaga soo dhaqaaqay Barcelona sannadkii 2017 laakiin xiddigan ayaa lala xiriirinayay in uu ka hayaamayo kooxda hanatay horyaalnnimada Ligue 1.

Warar ka imaanaya Spain ayaa ku waramaya in PSG ay u ogalaan doonto ninkan kasoo jeeda South America ka tegista kooxda xagaagan. City ayaa Neymar ku dalbaneysa £129.9m oo lagu daray Sergio Aguero si ay u helaan xiddigii hore Santos.

Aguero ayaa hadda ah shaqsiga ugu goolasha badan kooxda City taariikhda oo dhan isaga oo u dhaliyey 229 gool.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan