Himilo FM – Brighton and Hove Albion ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Chris Hughton maalin kadib markii uu dhammaaday xilli ciyaareedkii horyaalka Premier League, kooxda ayaa xaqiijisay.
Hughton ayaa awood u yeeshay in Brighton ay kasii mid ahaadaan Premier League, kooxda lagu naanayso Seagulls ayaana ku idlaysatay booska 17aad, waxa ayna ka sarraysay oo keliya 3-da kooxood ee horyaalka iskaga haray ee Cardiff City, Fulham iyo Huddersfield Town.
Waxay badiyeen seddex ka mid ah 23-kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka, midkoodna kama aysan helin sagaalkii ugu danbeysay.
Hughton, oo ku biiray Albion bishii December 2014, ayaa kooxda u horseeday Premier League markii ugu horreysay 2017, waxaana ay ku dhameysteen kaalinta 15aad xilli ciyaareedkiisii ugu horreysay ee horyaalka.
60 jirkan oo qandaraas illaa 2021 ah kula jiray ayaa sidoo kale kooxda gaarsiiyay semi-finalka FA Cup xilli ciyaareedkan, inkastoo ay 1-0 guul darro ah kala soo kulmeen Manchester City.
Waa tababarihii toddobaad ee Premier League la ceyriyay xilli ciyaareedkan.