Home / Cayaaro / Arsenal oo wax ka badalaysa dalab ay u dirtay xiddig katirsan Crystal Palace

Arsenal oo wax ka badalaysa dalab ay u dirtay xiddig katirsan Crystal Palace

Himilo FM –Arsenal ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto Calum Chambers ,Reiss Nelson iyo lacag caddaan ah si ay ula soo saxiixdaan xiddiga Crystal Palace Wilfried Zaha.

Gunners ayaa isha ku heysa inay weerarkeeda ku darto xiddigo cusub, Zaha ayaana u caddeeyay Palace inuu doonayo inuu ka tago Selhurst Park xagaagan.

Weeraryahanka reer Ivory Coast  ayaa doonaya inuu ku biiro koox Champions League-ga ka ciyaarta.

Arsenal ayaa xaqiijin karta booskeeda tartanka xilli ciyaareedka soo aadan haddii ay ka guul helaan Chelsea finalka Europa League ee ka dhacaya Baku.

Palace waxaa  yar  fursadooda ay ku sii heysan karto Zaha, laakiin waxay ku dooneysaa 80 milyan oo ginni weeraryahanka, kaasoo dhaliyay 10 gool 36 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore.

Emery ayaa diyaar u ah inuu Chambers, Nelson ama Carl Jenkinson uu qeyb kaga dhigo  saxiixa weeraryahanka , sida laga soo xigtay Sun.

Liverpool iyo Manchester City ayaan xiiseyneynin Zaha, halka Chelsea uu ku dhacay ganaax labo kulan ah oo dhanka suuqa ah.

Manchester United ayaan u badneyn inay u dhaqaaqdo weeraryahanka isagoo 18 billood oo aan farxad lahayn  ku kharash gareeyay Old Trafford, taasoo la micno ah inay Arsenal u heysato fursad ay kula wareegto  weeraryahanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan