Himilo FM –Falalka tuugada hubeysan ayaa wax caadi ah ka noqday magaalada Mexico City ee dalka Maksiko, sidaa darteed waxay dadka bilaabeen inay iibsadaan taleefano been abuur ah oo ay ku wareejinayaan tuugada markay u gacan galaan.
Magaalada caasimadda ah oo aad socod ku marto ama adiga oo gaari raaca labadaba waa khatar waayo waxaa meel kasta taagan tuugo hubeysan oo aan kugu dhaafeyn nolol haddii ay waxba kaa waayaan.
Sida lagu sheegay xoggo cusub oo dhawaan la soo saaray, waxaa la diiwaan-geliyay ku dhawaad 70 fal danbiyeed xatooyo ah oo ka dhacay caasimadda Maksiko afartii billood ee ugu horreysay sannadkan.
Seddex meelood labo meel danbiyadda ayaa lala beegsaday dad marayay wadooyinka halka inta kale lagula kacay rakaab saarnaa gaadiidka dadweynaha ama mootooyinka.
Kororka falalka dhaca ah waxay ku qasabtay dadka inay iibsadaan taleefano been abuur ah oo naftooda kula baxsadaan marka ay ku dhacaan dabinta tuugada oo aan naf ku dhaafeyn haddii ay waayaan wax ay ka qaataan.
Taleefanada been abuurka ah ee u ek kuwa caaqilka ayaa ku kacaya kharash dhan 300 illaa 500 oo ah lacagta Maksiko ee Peso iyadoo u dhiganta 15 iyo 25 doolar. Waxay taleefanada u qaab egyihiin nuucyadda Iphone iyo Samsung Glaxy.
“ Waxay dadka ku leeyihiin keen taleefanka iyo wax kasta oo aad heyso, dadkana way ogyihiin oo si dhaqso ah ayay taleefanada ugu wareejiyaan.” ayuu yiri Axel oo iibiya taleefano been abuur ah.
Dad badan ayaa ka baqdin qaba in tuugada gartaan farsamada dadweynaha islamarkaana laga dhaxlo natiijooyin aan wanaagsaneyn.