Home / Macluumaad / Xerashada kabaha cirbaha dhaadheer oo dood ka dhalisay Jabaan!

Xerashada kabaha cirbaha dhaadheer oo dood ka dhalisay Jabaan!

Himilo FM –Dalka Jabaan, xerashada kabaha cirbaha dhaadheer ayaa laga keenay dood kulul toddobaadyadii ugu danbeeyay iyadoo xukuumadda lagu qasbay inay soo fara geliso islamarkaana faallo ka dhiibato arrinta.

Wasiirka caafimaadka iyo shaqada ee dalka Jabaan ayaa difaacay go’aanka maamulayaasha shirkadaha oo ay kaga dalbanayaan haweenka u shaqeeya inay soo xertaan kabaha ciribta dheer inta shaqada lagu guda jiro sida laga so xigtay wargeyska The Guardian.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii koox haween ah u qoreen wasaaradda shaqada warqad furran oo ay ku codsadeen in xukuumadda soo fara geliso arrinta si loo joojiyo amarka maamulayaasha ee ku qasbaya haweenka inay qaataan kabaha cirbaha dhaadheer.

“Amarka ah qaadashada kabaha ciribta dheer waa mid bulsho ahaan la aqbali karo, waa arrin muhiim ah kuna habboon shaqada,” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Jabaan Takumi Nemoto.

Ololaha “KuToo” ee looga soo horjeedo amarka dumarka ku qasbaya xerashada kabaha ciribta dhaadheer ayaa waxaa bilaabay jilaa iyo qoraa caan ah.

Kumanaan qofood ayaa taageeray ololaha xagga Internet-ka, waxaya sheekadan noqotay midda loogu hadal heynta badan yahay Jabaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan