Home / Macluumaad / Maxay Iiraan albaabada isugu dhufatay inka badan 500 maqaayad?

Maxay Iiraan albaabada isugu dhufatay inka badan 500 maqaayad?

Himilo FM –Maamulka maxaliga ah ee Iiraan ayaa xeray ku dhawaad 547 maqaayad oo ku yaalla dalkaasi sabab la xiriirta inay jabiyeen shareecada Islaamka sida laga soo xigtay wargeyska Ictimaad ee Iiraan ka soo baxa.

Wargeyska ayaa xaqiijiyay in booliiska Iiraan uu albaabada isugu dhuftay 547 maqaayad muddo 10 maalin ah iyadoo ujeedka yahay ilaalinta shareecada Islaamka.

Hoggaamiyaha booliiska magaalada Tehran Xuseen Rahiimi ayaa tilmaamay in sidoo kale la qabtay 11 qofood oo lagu sheegay dad xadgudub sameeyay isaga oo xusay in su’aalo la weydiin doonno maamulayaasha maqaayadaha aan dhaqan gelin shareecada Islaamka.

Xadgudubyada loo heysto maqaayadaha waxaa kamid ah inay sameeyeen xayeysiino aan dhaqan aheyn iyo adeegsiga muusiga sida ay qortay wakaalada Fars.

“Ilaalinta shareecada Islaamka waxay kamid tahay waajibaadka booliiska ee waaweyn,” ayuu yiri Xuseen Rahiimi.

Dhan kale, guddoomiyaha maxkamadda Irshaad ee magaalada Tehran Maxamed Mahdi ayaa carabka ku dhuftay in bulshada ku soo war geliso maamulka wax walba oo khilaafsan sharciga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan