Himilo – Magaalada Hong Kong ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan ee lagu noolaado sannadkii labaad oo xiriir ah sida lagu sheegay baaritaan cusub iyadoo magaalooyinka Asia dhigeen rikoor cusub.
Xogta oo ay daabacday Mercer ayaa isbarbardhig ku sameysay inka badan 200 badeecad oo lagu iibiyo 209 dal oo caalamka ah.
Waxaa xusid mudan in 8 kamid ah 10-ka magaalo ee ugu qaalisan caalamka inay yihiin kuwa Asia iyadoo Tokyo, Singapore, Seoul iyo Zurich soo galeen 5-ta ugu horreysa.
Sida laga soo xigtay hay’adda Mercer, ascaarta guryaha oo qaali ah ayaa ugu wacan in inta badan magaalooyinka Asia soo galaan 10-ka ugu horreysa ee liiska.
Badeecadaha la qiimeeyay ee lagu saleeyay warbixinta waxaa kamid ah cuntada, dharka iyo guryaha iyadoo la eegayay sida ascaarta isu beddashay sannadihii danbe.
Magaalooyinka ugu qaalisan dunida in lagu noolaado
1) Hong Kong
2) Tokyo, Japan
3) Singapore
4) Seoul, South Korea
5) Zurich, Switzerland
6) Shanghai, China
7) Ashgabat, Turkmenistan
8) Beijing, China
9) New York, United States
10) Shenzhen, China
Magaalooyinka ugu jaban in lagu noolaado caalamka
1) Tunis, Tunisia
2) Tashkent, Uzbekistan
3) Karachi, Pakistan
4) Bishkek, Kyrgyzstan
5) Windhoek, Namibia
6) Banjul, Gambia
7) Islamabad, Pakistan
8) Tbilisi, Georgia
9) Skopje, Macedonia
10) Managua, Nicaragua
Radio Himilo
