Maxaabiista Ingiriiska oo la siinayo fasaxyo shuruud ku xeran tahay

0
8

Himilo –Maxaabiista ku jirta xabsiyada Ingiriiska ayaa heysta fursad wanaagsan oo ah tii ugu horreysay ee nuuceeda ah iyadoo la siinayo fasaxyo sida ay warisay warbaahinta dalkaasi.

Tani waxay ku imaan kartaa keliya marka qofka maxbuuska ah uu hagaajiyo dhaqankiisa islamarkaana u hoggaansamo shuruucda xabsiga.

Qofka maxbuuska ah ee wanaajiya dhaqankiisa waxaa la siinayaa fursad fasax oo lagu tusayo muuqaalka bannaanka ka ah xabsiga ee caalamka muddo 10 daqiiqo ah.

Waxaa kamid ah muuqaalada mid ku saabsan darbiga dheer ee Shiinaha iyo goobo taariikhi ah oo ku yaalla Peru iyo Australia.

Sida uu qoray wargeyska Mirror, maamulka xabsiga magaalada Nottingham  ayaa ku qaadaya tijaabadan si loogu dhiira geliyo maxaabiista inay hagaajiyaan dhaqankooda.

Waxay ka danbeysay markii rabshadaha ka dhaca xabsiyada kordheen iyadoo la soo diiwaan geliyay maxaabiis badan oo adeegsada maandooriyaasha.

Maamulka xabsiga MBH ayaa sheegay in qalabka lagu daawanayo muuqaalada in loogu tabarucay xabsiga iyadoo aysan lacag ka bixin.

Maxbuus kasta waxa uu fursad u halayaa 10 daqiiqo oo uu ku daawan karo goobaha loo dalxiis tago ee caalamka waa marka uu toosiyo dhaqankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here