Himilo -Burnley ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixdaan weeraryahanka West Bromwich Albion Jay Rodriguez kaddib markii kooxda ka dhisan Premier League ay oggolaatay inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa West Bromwich Albion oo ah 10 milyan oo ginni.
Weeraryahanka ayaa ku dhashay Burnley, wuxuuna xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Turf Moor, isagoo dhaliyay 41 gool ka hor inta uusan ugu dhaqaaqin Southampton 7 milyan ginni sannadkii 2012.
Burnley ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa Rodriguez sannadkii hore, iyadoo tababare Sean Dyche uu sheegay inuu yahay qof jecel 27 jirkan.
Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, kooxda Clarets oo ku dhameysatay kaalinta 15aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay inay diyaar u tahay bixinta kharashaadka heshiiskiisa lagu burburin karo.
West Brom ayaa Rodriguez kaga soo iibsatay kooxda Southampton lacag gaareysa £ 12m sannadkii 2017 kaddib markii uu dhaliyay 32 gool 126 kulan oo uu u saftay Saints.
Wuxuu ciyaaray kulankiisa keliya ee England ciyaar ay wajaheen xulka Chile bishii November 2013-kii.