Home / Habka-Nolosha / Jaamacadda Dimishiq oo ciqaabaysa arday ka aflagaadeysay baraha bulshada!

Jaamacadda Dimishiq oo ciqaabaysa arday ka aflagaadeysay baraha bulshada!

Himilo – Boggaga baraha bulshada ayaa lagu baahiyay warqad ka soo baxday jaamacadda Dimishiq (Damascus) oo lagu ciqaabayo arday lagu eedeeyay inay qoraal ku aflagaadeeyeen.

Warqada ayaa tilmaamaysa in mid kamid ah ardayda oo ah gabar in laga joojiyay daraasadda muddo bil ah sabab la xiriirta inay baraha bulshada dhigtay dhigaal lagu xummeynayo jaamacadda Damascus.

Waxaa kale oo warqada ay digniin siineysaa gabar kale oo ka heshay (Like) dhigaalka saaxiibteed oo uu maamulka jaaamacadda ka carrooday.

Sida ay qortay warbaahinta RT, jaamacadda Dimishiq ayaa xustay in dhigaalka gabadha uu ahaa mid aflagaado ku ah jaamacadda islamarkaana laga qaaday tallaabada ugu habboon.

Go’aanka jaamacadda ma aha kama dambeys iyadoo ardayda la ciqaabo u furan tahay inay u dacwoodaan gole katirsan jaamacadda oo qaabilsan cabashooyinka.

“Wax marmarsiyo ah malaha aflagaadada iyo dhaleeceynta tayada jaamacadda,” ayaa lagu yiri qoraalka jaamacadda.

Si kasta, ciqaabta jaamacadda ayaa lagu soo waramayaa inay ka fariisteen gole uu hoggaamiyo guddoomiye ku-xigeenka, hormuudyada kulyadaha iyo matalayaal ka socda midowga ardayda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan