Kooxo dhowr ah oo isku heysta xiddiga Emmanuel Adebayor

Himilo – Weeraryahanka Emmanuel Adebayor ayaa lagu soo waramayaa inuu u muuqdo bartilmaameed macquul ah oo seddex koox oo  Premier League ah diiradda u saaran.

Adebayor – oo horay ugu soo ciyaaray Manchester City, Arsenal, Tottenham Hotspur iyo Crystal Palace – ayaa lagu heli karaa suuqa xorta ah isagoo si xor ah uga soo tegay Istanbul Basaksehir.

Sida laga soo xigtay The Sun, West Ham United ayaa muujineysa xiisaha ay u qabaan 35 jirkan markii ay iska fasaxeen  Andy Carroll dhammaadka qandaraaskiisa.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in halyeeygani uu doonayo inuu ku noolaado London, waxa  taasi u horseedi karta Watford oo sameynaysa dadaal ay kula soo saxiixaneyso xiddigii hore ee Togo.

Sheffield United ayaa sidoo kale la sheegayaa inay isha ku heyso xaaladiisa, inkastoo u wareegista  Gagida Bramall Lane ay umuuqato mid aan macquul aheyn xilligan.

Adebayor wuxuu dhaliyay seddex gool 19 kulan oo uu saftay intii lagu gudajiray ololihii ugu dambeeyay.

error: Copy lama Ogola Fadlan