Himilo – Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuldareysatay codsi ah inay ku darto da ‘yarka Real Madrid Vinicius Junior heshiis kasta oo uu kaga tagayo Neymar.
Real ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayeen inay la soo wareegaan Neymar xagaagan waqti ay Barcelona sidoo kale raadineyso inay hubiso inay dib ula midoobaan xiddigoodii hore.
Si kastaba ha noqotee, sida ay haatan tahay, midkoodna ma uusan buuxinin dalabka PSG, kuwaasoo la sheegay inay weydiisanayaan seddex ciyaaryahan oo lagu daray lacag aad u badan.
Sida laga soo xigtay AS, PSG ayaa weydiisay haddii Real ay diyaar u noqon laheyd inay bixiso Vinicius Junior, inkastoo ay la soo wareegtay keliya sannadkii hore.
Warbixinta ayaa sheegeysa in dalabkaas si dhaqso leh ay u diideen Real iyadoo Zinedine Zidane uu damacsan yahay inuu u adeegsado ciyaaryahanka kooxda koowaad ee xilli ciyaareedkan.