Home / Cayaaro / PSG oo dalab u gudbisay goolhayaha Real Madrid

PSG oo dalab u gudbisay goolhayaha Real Madrid

Himilo –Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u gudbisay goolhayaha Real Madrid Keylor Navas.

Iyada oo Gianluigi Buffon uu ku laabtay Juventus xagaagan, tababare Thomas Tuchel ayaa u baahan bedel khibrad leh ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Ka dib markii uu noqday  dookha labaad ee Bernabeu ayuu markaan doonayaa  inuu ka taga Los Blancos, Navas ayaa umuuqda inuu ku habboon yahay kooxda heysata horyaalka Ligue 1.

Sida laga soo xigtay Marca, wadahadalo ayaa dhexmaray labada naadi, iyadoo Navas uu diyaar u yahay inuu u duulo Paris si uu u dhameystiro u wareegista Parc des Princes.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in talaabadaas la soo gabagabeyn doono dhamaadka isbuucaan, taasoo ka dhigaysa inuu Navas soo gabagabeyn doono shan sano oo uu ku sugnaa kooxda ka dhisan La Liga.

Bixitaanka xiddiga heerka caalami ee dalka Costa Rica ayaa ku qasbaya Real inay raadiso ku xigeen kale oo Thibaut Courtois ka hor maalinta Isniinta ugu dambeysa suuqa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan