Home / Habka-Nolosha / Senegal: Dadka tuulada Sinthiou Garba oo wiishka gaadiidka uga gudba webiga!

Senegal: Dadka tuulada Sinthiou Garba oo wiishka gaadiidka uga gudba webiga!

Himilo –Dadka deegaanka tuulo dhacda waqooyi bari Senegal ayaa adeegsada habkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee looga gudbo webi kaddib markii ay burburtay buundada lagu dhaafo.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal muujinaya dadweyne u adeegsanaya wiishka gaadiidka inay kaga gudbaan webiga tuulada Sinthiou Garba, taasi oo tusaale u noqotay culeysyada ay wajahayaan dadka oo aan heysan kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah.

Bartamaha bishan dhammaadka ah ee August, roobab xooggan oo da’ay ayaa sabab u noqday burburka buundo loo isticmaalayay si ku-meel-gaar ah.

Burburka buundada kaddib, dadka tuulada Sinthiou Garba ma heysan khiyaar aan aheyn inay adeegsadaan wiishka gaadiidka si ay uga gudbaan webiga marka ay u dhaqaaqayaan dugsiyada waxbarashada iyo goobaha caafimaadka.

Muuqaalka lagu baahiyay Internet-ka ayaa dhaliyay carro xooggan oo laga qaaday nolosha adag ee dadka tuulada.  

Wasiirkii hore ee tamarta Senagal oo kamid ah madaxda mucaaradka ayaa si kulul u dhaleeceeyay dowladda oo uu sheegay inay ka gaabisay adeegyada dadweynaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan