Himilo –Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo weeraryahanka Tottenham Hotspur Christian Eriksen.
Xiddiga reer Denmark ayaa si xooggan loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Mauricio Pochettino inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin ugu dambeyntii wuxuu sii joogay kooxda.
Kubadsameeyaha ayaa arki doona heshiiskiisa haatan ee Spurs oo dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedka, inkastoo ay u muuqato inaysan macquul aheyn inuu saxiixo heshiis kordhin.
Manchester United ayaa la sheegay inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo xiddigii hore ee Ajax bisha Janaayo, markaasoo kooxda Pochettino laga yaabo inay ku qasbanaadaan inay ku iibiyaan qiimo hoose.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Express, Inter ayaa sidoo kale isha ku heysa inay bartilmaamed ka dhigato 27 jirkan, iyadoo madaxa kooxda Serie A Antonio Conte uu ku booriyay kooxdiisu inay dalab ka gudbiso.
Eriksen ayaa dhaliyay hal gool afartii kulan ee Premier League ee uu u saftay kooxdiisa marxalada hore ee xilli ciyaareedkan.