Himilo- Farriin xambaarsan ‘Subax wanaagsan’ oo uu caadeystay nin dhallinyaro ah in uu u diro asxaabtiisa WhatsApp-ka ayaa sabab u noqotay in la saaro maxkamad.
Sheekadan waxay ka dhacday magaalada Fujairah ee Imaaraadka Carabta markii haweenay u dhalatay wadamada Khaliijka ay dacwad ka gudbisay ninka kaddib farriimo subax wanaagsan ah oo uu la wadaagi jiray maalin kasta.
Sida ay qortay warbaahinta Emirates Today, haweenayda ayaa xustay inay dhibsatay farriimaha WhatsApp-ka ee kaga imaanayay ninka islamarkaana xambaarsan keliya farriinta ah ‘Subax wanaagsan’.
Ninka oo ay kedis ku noqotay dacwada maxakamada ayaa tilmaamay in uu caado ka dhigtay in uu farriinta u diro dhammaan asxaabtiisa WhatsApp-ka isaga o sheegay in haweenayda aysan oggeysiin culeyska ay ku qabto.
Sida laga soo xigtay wargeyska Imaaraadka Carabta, haweenayda ayaa daaha ka qaaday inay farriinta ka carqaladeyn jirtay hurdada arroorta hore.
Maxkamadda magaalada Fujairah aya dhageysatay dacwada, waxaana loo ballamay fadhi kale toddobaadka soo socda.