Himilo- Kooxda Tottenham Hotspur ayaa la sheegayaa inay ku dhowdahay inay heshiis waqti dheer ah ka saxiixato Jamie Bowden.
Inkastoo 18 jirka uusan weli ciyaarin kulankiisii ugu horeysay waa weynka, wuxuu durbaba shan kulan u saftay kooxda ka hooseysa 21 jirada ee koobka EFL Trophy.
Iyada oo ay ugu wacan tahay in uu kusoo bandhigo tartankan iyo kulamada akadeemiyada ciyaaro soo jiidasho leh, Football Insider ayaa sheegaya in Spurs ay u dhaqaaqday sidii ay u xaqiijin lahaayeen mustaqbalka da ‘yarka.
Warbixintu waxay sheegeysaa in Bowden loosiiyay fursad uu qalinka ku duugo ilaa dhamaadka ololaha 2022-23.
Xiddiga qadka dhexe ee daafaca, oo Spurs la joogay ilaa lix sano jirkiisii, ayaa durbadiiba la safray kooxda waa weyn .