Himilo- Waa 10 jir ku nool miyiga Vietnam, waxa uu diiday in la qaado mas’uuliyadda korriimadiisa kaddib markii uu waayay dhammaan qoyskiisa. Waxa uu ka doorbidday in uu keligii noolaado islamarkaana shaqeysto.
Sheekada qalbiga taabaneysa ee wiilkan ayaa gaartay Malaayiin qofood oo u muujiyay naxariis iyo damqasho.
Inkastoo carruurta 10 sanno jirka ah aysan dareemin wax walwal ah haddana Dang Van Khuyen ayaa wakhtigiisa ugu badan ku bixiya in uu ka shaqeeyo beer ku taalla gurigiisa.
Noloshiisa marna ma aysan fududeyn. Isaga oo da’yar ah ayuu waayay hooyadii, waxayna noqotay in uu la noolaado ayeeyadii xillii uu aabbihii u baxay shaqo goob kale ah.
Si kasta, waxay xaaladda xummaatay markii uu aabbihii ku dhintay goobta shaqada islamarkaana ayeeyadii u wareegtay tuullo kale. Waa laga tagay kaalmo la’aan.
Mr Khuyen ayaa ku tiirsanaa dhaqaalaha aabbihii oo u soo diri jiray lacago uu ka dhigto cunto iyo dhar iyadoo ayeeyadii kaalmeyn jirtay balse hadda intaasi oo dhan meesha ayay ka baxday.
Sida uu muujiyay muuqaal ay baahisay warbaahinta Vietnam, 10 jirka ayaa khudaar ku beerta gurigiisa. Maalin iyo habeen ayuu wakhti badan ku bixiyaa.
Markii sheekada wiilka shaacday, waxaa loo sameeyay dadaallo badan oo lacago loogu tabarucay balse wiilka yar ayaa diiday in la qaado mas’uuliyadda korriimadiisa. Waxa uu sheegay in uu isku filan yahay oo keligii uu noolaan karo.