Himilo- AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay daafaca Barcelona Jean-Clair Todibo bartilmaameedka suuqa Janaayo.
Iyada oo ay ugu wacan tahay jebinta xeerka FFP, Milan ayaa ku sugan xaalad ay ku qasban yihiin inay iska iibiyaan ciyaartoy bilowga sanadka 2020.
Hadii kooxda ay kala qeybiso ragga muhiimka ah, Stefano Pioli wuxuu doonayaa inuu bedel la soo saxiixdo, waxaana muuqata inay kooxda reer Talyaani diyaar u tahay inay soo xerogeliso ugu yaraan hal waji oo cusub.
Sida laga soo xigtay Sport, wadahadalo horay ayaa loo qabtay oo ku saabsan heshiiska Todibo, kaasoo ku dhibtooday waqtiga ciyaarta ee Camp Nou.
Inkastoo uu ku dhawaad halsano la qaatay kooxda reer Catalonia, 19 jirka waxa uu ku builowday kaliya seddex kulan islamarkaana hal bedel ayuu ku soo galay La Liga.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Barcelona ay diyaar u tahay inay aqbasho dalab 10 milyan Euro ah oo u dhiganta (£ 8.42m), iyadoo la soo bandhigayo in heshiiska lagu daro in ay dib ugu soo iibsan karto dalab kasta.