Himilo- Forex waa Lacagta oo lafteeda ganacsi laga sameeyo, Lacag lagu beddelanayo Lacag kale, Saameeynna ku leh Ganacsiga kale.
Waxaa bilaabay Babylonian –kii hore ee dalka Ciraaq, Masar waxaa laga isticmaali jiray 259 BC, waqtigii faraacinada. Suuqii ugu horreeyay ee Forex waxaa laga furay magaalada Amsterdam ee Holland muddo laga joogo 500 sanno, waxaana loo yaqiin Suuqaas “Free Trade of Currencies”.
Forex-ta USA waxaa hoggaaminayay Shirkadii loo yaqiin “Brown & Sons” Sannadkii 1850-kii. Forex-ka hadda waxa dib loo soo cusbooneysiiyay 1931 markii uu yimid isticmaalka “Gold Standard”
Kadibna July 1944 ayaa qiima joogtaa lagu saleeyo dahabka iyo dollarka , taa oo ah $ 35.00=1 ounce “Waqiyad” oo Dahab ah. waxaa markii dambe oggolaaday qiimeeynta hay’adaha IMF, World Bank iyo GATT, kadibna wadama kale ayaa oggolaaday xiriirkaa joogtada ahaa ee Dahabka iyo Dollar-ka.
Khubaro ayaa soo jeedisay in wadamadooda laga joojiyo ama caalamka oo dhan laga mamnuuco Forex-ka, iyaga oo leh waa khamaar ama wax la mid ah, taa lagama aqbalin, iyada oo cudurdaar looga dhigayo in sarifkaa loo isticmaali karo wax dhoofinta, soo dejinta iyo maalgashiga.
Shuruudaha Forex.
Dadka ganacsigan galayo waa inay heeystaan Shati (License and Mandatory Certificate). wadama badan waxay leeyihiin Hay’addo kontroolo Forex, tusaale: wadanka Qubrus- ayaa leh, CYSEC “ Security and exchange Commission”. USA waxay ku kontrooshaa hay’adaha .CTFC, NFA, FINKA, SIPA. Switzerland –FINMA “Supervision of Financial Market”. UK-FCA “Financial Service Control” Australia-ASIC.
USA waxaa la yiraa Sharci ma ahan Forex, taasi waa been. Laakin si taxaddar leh ayay u maareeyaan, dadka Ajnabiga ah looma oggolo Shatiga. Qofka Shatiga la siinayo waa in Lacag keyd ah laga hayo “Security Deposit” taa oo dhan $20 Milyan, si haddii uu musalafo ama Khasaaro, Lacagtaa magdhaw loogu siiyo macaamiishiisii Lacagta uu ka qaaday.
Sidee ayuu u shaqeeyaa suuqa Forex?
Habka ay u shaqeeyso. Tusaale: Waxaad leedayay Labo Account, mid Dollar ah iyo Mid Shillin Somali ah. tii Doolarka ayaa waxaa kuugu jiro $100. Waxaa hoos u dhacay qiimihii Sh.So, noqdayna 20 shillin halkii Dollar. $ 100 kii ayaad sarifee una soo wareejinee Account Somali ah, waxay kuu noqonee Sh.So.2000.
Muddo kadib ayaa Shillinka qiimihiisu kor u kacayaa waxa uuna noqonayaa $1=Sh.So.10. dib ayaad ugu celenee Sarif Dollar ah waxayna kuu noqonee $ 200. Waxaad faa’iiday $100. Laakin haddii shillin Soomaligu hoos u sii dhaco oo uu noqdo $1=Sh.So 40. 2000 ee Sh.So waxay noqonee $50 waxaadna khasaartay $50. Marka waa in aad saadaali karto is beddalka Suuqa Lacagaha.
Ma ka fekertay?
Inta aadan galin suuqa Forex waa in aad is weydiisaa: Cidda aad la macaamilee Bank ma tahay? Bank ma ku xiran tahay? Ma leeyihiin Bank Account? . Dowladaadu ma u sameeysay Nidaam xadidayo khatarta ?. Shati ma leedahay? Bank-ga uu ku leeyahay Accounka ma hubtaa in uu Keyd ka hayo, si Lacagtaadu u badbaado hadduu khasaaro kan aad la macaamilee? Lacagta Dalkaagu ma tahay mid wax lagu beddelen karo?. Ma ka fekertay Lacagtaada haddii aad Bank dhigto ama kan kaa qaaday uu dhigo in dulsaar intaa la eg aan lagu siineyn,Haddii lagu ganacsadana aan laga heleeyn Faa’iido intaa la eg. Sarifka is beddelkiisa ayaa la gaadayaa? Diyaar ma u tahay 2/3 khasaaro ah, waxa la yiraa 3-dii qofba Labo ayaa ku khasaarto? Diintaadu maxay ka qabtaa?
Culuma Badan oo Islaam ah ayaa isku raacay in SWAP Forex aan la oggoleyn. Kuwa kale ayaa oggol. Waxa keliya ee la ogolyahay waa sarifka nooca maalinlaha Ku kooban iyo Keydkaaga Bangiga in aad ka qaadato adiga oo isticmaalayo. Oggow lacagta lafteedu badeeco ma ahan ee Badeecada ayaa lagu Kala beddeshaa.
Saameynta Dhaqaale.
Saameeynta Soomaliya ee Forex: Dollarka ayaa Suuqa ku yaraanayo. Dhulka Deegaankaa ayaa Qiimahiisu hoos u dhacayaa. Maalgashiga yar yar ayaa isna hoos u dhacayo. keydka Lacagaha ee EVC, E Dahab iyo wixii la mid ah ayaa yaraanayo, wareegga Lacagta ee Suuqa ayaa isna hoos u dhacayo. Badeecada ayaa Dadka iibsanaya yaraanayaan, kadibna Ascaarta ayaa hoos u dhecee, Ganacsiga qaarna waa xirmayaa.
Waxaan ka fiiriyay dhinaca dhaqaalaha oo keliya. dhinaca Diinta waxaa wax laga weeydiinaa Culumada.
Hadda dalka ma joogo. waxaan maqlay in Culumo ka iftootay, welina ma arag qoraalka iftada, iyo go’aankooda. Ma ogi in culumadu isku wada raacsan tahay iyo in kale.
W/Q: Prof Yaxye Caamir
Macluumaadka xogtan waxay gaar u tahay qoraha, Radio Himilo waxay keliya ku sameysay wax-ka-beddal yar oo aan wax u dhimeyn macnaha.