Himilo- Inta badan, qof kasta kaalin ayuu ku leeyahay wasakheynta oo gaartay heer aan laga aamusi karin caalamka oo dhan xilli ol-olaha wacyi-gelinta u muuqdo mid aan ku dhammeystirneyn.
Dalalka dunida ayaa immika la tacaalaya wasakhda hawada, waxaa jira dalal kuwa horumaray ah oo la nool wasakhda hawada sida uu qoray bogga Lolwot.
Russia
Magaalada Norlesk ee dalka Ruushka ayaa kamid noqotay liiska magaalooyinka ugu wasaqda badan caalamka.
Indonesia
Meel ku dhaw daanta wabi mara Indonesia, waxaa ku nool 5 Milyan qofood oo ka cabanaya wasakh xad dhaaf ah.
Shiinaha
Mid kamid ah khubarada deegaanka ayaa laga soo xigtay in deegaan Shiinaha ku yaalla lagu tilmaami karo goobta ugu wasakhda badan caalamka
Ukraine
Saameynta gaaska warshadaha nuclear-ka ee dalka ayaa ah cabashada ugu weyn oo ay qabaan dad badan.
Waqooyiga badweynta Pacific-ga
Deegaanka ayaa loo arkaa midka ugu wasakhda badan caalamka sida uu qoray bogga Lolwot.