Home / Habka-Nolosha / Malaysia: Aroosad gaadiidka Ambulance-ta lagu geeyay xafladeeda!

Malaysia: Aroosad gaadiidka Ambulance-ta lagu geeyay xafladeeda!

Himilo – Gabar kasta oo galaysa aroos ayaa jecel in maalinteeda noqoto mid gaar ah oo la xusuusto sannado. Haween badan ayaa doortay ficillo soo jiidasho leh oo ay sameeyeen arooskooda laakiin gabar reer Malaysia ayaa go’aansatay inay arooskeeda ka dhigto mid gaar ah.

Sida uu qoray wargeyska Indian Express, gabadha aroosadda ah ayaa dooratay inay xafladeeda ku timaado gaari nuuciisu yahay Ambulance iyada oo jiifta sariirta dhibanayaasha xilli arooska uu xernaa dharka kooxaha gurmadka deg degga ah.

Halkii looga garaaci lahaa durbaano badan, aroosadda ayaa soo gaartay xafladda iyada oo saaran gaadiidka gurmadka deg degga ah oo adeegsanaya dhawaqa lagu yaqaan xilli goobjoogayaasha ka qaadeen layaab.

Markii uu gaariga soo gaaray goobta xafladda, aroosadda ayaa lagu soo dejiyay sariirta gaadiidka oo ah nuuca sida fudud loo dhaqaajin karo. Ninka dooqeeda noqday ayaa kahor deggay si uu ugu xero kabaha.

Xafladda arooska oo noqotay tii ugu horreysay ee nuuceeda ah ayaa bilaabatay. Waxaa si weyn baraha bulshada loogu faafiyay muuqaal ku saabsan sheekada gabadhan oo ka soo deggaysa gaadiidka gurmadka deg degga ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan