Himilo – Maamulaha shirkad tababar ayaa go’aansaday in uu dhiira geliyo shaqaalaha u shaqeeya ee aan cabbin sigaarka isaga oo afar maalin ugu daraya maalmaha fasaxa ee sannadka.
Don Priden ayaa tilmaamay in uu garowsaday in shaqaalaha shirkadda ee cabba sigaarka inay helaan hal saac oo nasiino ah- oo ah wakhtiga loo oggol yahay inay cabbaan sida uu qoray wargeyska Daily Mail.
Mr Don oo hoggaamiya shirkad ka shaqeysa tababarka iyo shaqaaleysiinta oo ka dhisan magaalada Stratton ee Ingiriiska ayaa xusay in uu go’aansaday in sannadka cusub uu ku billowdo siyaasad cusub.
“Waxaan arkay in shaqaalaha sigaarka cabba helaan 4 illaa 5 daqiiqo mar kasta, waxaan eegay shaqaalaha kale, waxay ku jiraan shaqo, waxaan qaatay inay waajib tahay in magdhaw la siiyo,” ayuu yiri Don Priden.
Waxa uu intaa raaciyay maamulaha shirkadda in aragtida uu ka daalacday baraha bulshada balse waxa uu yiri ma arag qof dhaqan geliya.
Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay dhiira gelin karto shaqaalaha aan cabbin sigaarka iyada oo shaqaalaha kale ee cabba sigaarka ka reebayso caadada xun.
Shirkado kale ayaa loo badinayaa inay raaci karaan dhabbaha uu furay Don Priden.