Home / Arrimaha Bulshada / Ninka ugu da’da weyn shaqaalaha adduunka oo howl-gab noqonaya!

Ninka ugu da’da weyn shaqaalaha adduunka oo howl-gab noqonaya!

Himilo – Ninka ugu weyn shaqaalaha adduunka oo dhan ayaa shaaciyay in uu howl-gab ka noqonayo shaqada isaga oo da’diisa tahay 102 jir.

Sida ay qortay wakaalada AP, Bob Vollmer oo ka shaqeeya gobalka Indiana ee Mareykanka ayaa qorsheynaya in uu gudbiyo warbixintii ugu danbeysay ee shaqadiisa 6-da bisha Febraayo ee soo socota.

Bob Vollmer oo ay hooyadiis ku geeriyootay da’da 108 sanno ayaa ku biiray wakaalada xukuumadda ee gobalka Indiana sannadkii 1962-kii.

Ninkan oo ka qeybgalay dagaalkii labaad ee dunida ayaa xusay in jirkiisa u sheegay runta ah in la gaaray xilligii uu shaqada ka fariisan lahaa.

“Waxaan aaminsanahay in jirkaaga uu kuu sheegayo xilliga habboon ee aad baxeyso,” ayuu yiri Bob Vollmer.

102 jirka oo sii hadlay ayaa yiri “dhaqaatiirta ayaa ii caddeeyay mid kamid ah sababaha, waxaan leeyahay sambabo si wanaagsan u shaqeynaya.”


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan