Home / Arrimaha Bulshada / Wasiir katirsan Jabaan oo fasax u qaadanaya cunug uu filayo in loo dhalo

Wasiir katirsan Jabaan oo fasax u qaadanaya cunug uu filayo in loo dhalo

Himilo – Wasiirka deegaanka dalka Jabaan Shinzo Kozumi ayaa shaaciyay in uu fasax u qaadan doono dhalmada cunug uu rajeynayo bisha soo socota. Waxay noqotay tallaabo mar la arag ah oo ka timaada wasiir reer Jabaan ah.

Dad ku dhaw wasiirka oo ah wiil uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Junichiro Koizumi ayaa laga soo xigtay in wasiirka uu qorsheynayo in uu qaato fasax labo toddobaad ah seddexda billood ee ugu horreysa dhalmada cunugga.

Mr Shinzo ayaa dhimi doona saacadaha shaqada iyada oo kaaliyaashiisa qaban doonaan qeyb kamid ah mas’uulidda saaran.

Wasiirka ayaa xusay in uu ka qeyb gali doono kulamada aan caadiga aheyn ee golaha wasiiradda Jabaan laakiin uu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa deegaan Aabayaasha siinaya fursad lagu fasaxo oo ay ku xannaaneyn karaan ubadkooda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan