Himilo – Tababaraha kooxda Barcelona Quique Setien ayaa sheegay in uu ilmeeyay markii uu arkay diiradda uu Ousmane Dembele saaray tababarka isaga oo xusay in uu aaminsan yahay in uu noqon karo sida cayaaryahan dhawaan laga saxiixay heshiis.
Cayaaryahanka 22 jirka ah ayaa wajahayay dhaawacyo tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Barcelona oo uu kaga yimid Borussia Dortmund sannadkii 2017-ka.
Laacibka Faransiiska ah ayaa keliya ka soo muuqday sagaal kulan dhammaan tartamada oo dhan isaga oo aan cayaarin tan iyo bishii November sabab la xiriirta dhaawac ku soo laabtay dhowr jeer.
“Waa in aad maskaxda aad ku heyso inay da’yar yihiin, go’aan qaadashadooda, inta aan ka arkay way wanaagsan tahay. Waan ilmeeyay markii aan arkay dadaalka iyo diirradda uu sameynayo,” ayuu yiri Quique Setien.
Madaxii hore ee kooxda Real Betis ayaa ka rajeynaya Dembele in uu sameeyo saameyn wanaagsan marka uu garoonada ku soo laabto.