Khubaro reer Australia ah oo ku fashilmay inay qoorta yaxaas ka soo saaraan taayar mooto

Himilo – Mas’uul katirsan maamulka Indonesia ayaa sheegay in khubaro reer Australia ah ku guuldareysteen inay qoorta yaxaas ka soo saaraan taayar mooto oo ku dhegan sannado badan.

Renault Genting oo madax u ah kooxda qaabilsan badbaadinta yaxaaska ayaa xaqiijiyay in khubarada ku fashilmeen inay qoorta yaxaaska ka soo saaraan taayarka laakiin waxa uu xusay inay ballan qaadeen inay dib u soo laabanayaan oo ay la imaanayaan xeelad kale.

Maamulka gobal ku yaalla dalka Indonesia ayaa goor sii horreysay u ballan qaaday abaal-marin qof kasta oo leh geesinimo ku-filan oo uu qoorta yaxaas kaga soo saarayo taayar mooto.

Sida laga soo xigtay wakaalada Indonesia, yaxaaska oo dhiririkiisu yahay 4 Mitir ayaa la arkay isaga oo taayar uu qoorta kaga duuban yahay markii ugu horreysay sannadkii 2016-ka.

Yaxaaska ayaa la soo warinayaa in uu ka badbaaday dhulgariir iyo Tsunami ku dhuftay gobalka Central Sulawesi sannadkii 2018-ka.

Wakaalada Indonesia ayaa shaacisay inay jiri doonto abaal-marin la siinayo qof kasta oo badbaadiya yaxaaska quusta ku dhaw balse ma caddeyn nuuca abaal-marinta.

Waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore dadaallo la sameeyay si lo badbaadiyo yaxaaska ay fashil ku soo dhammaadeen.

error: Copy lama Ogola Fadlan