Himilo – Haweeney u dhalatay dalka Sacuudiga ayaa qabsatay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka kaddib markii ay aruurisay mushaarka saygeeda muddo ku simman 30 sanno islamarkaanna waxay lacagtaasi u adeegsatay inay ku dhisto masjid.
Sheekada haweeneyda waxaa baraha bulshada soo dhigay wiilkeeda oo lagu magacaabo Mohammad Al Harbi.
Dhigaha sheekada ayaa soo qoray qoraal iyo sawirka hooyadii oo hor taagan masjidka si ay ugu cibaadeystaan Muslimiinta.
“Maxaad hooyo wacan tahay, marnaba ma aysan ku raaxeysan mushaarka aabbahey. Muddo 30 sanno ah oo ay aruurineysay mushaarka waxay dhalisay in masjid uu ku magacaaban yahay aabbahey ay dhisto, ”ayuu yiri wiilka dhigay sheekada.
Saacado kaddib dhigaalka ayaa noqday mid faafa islamarkaanna saameyn ku yeesha shaqsiyaadka la saaxibka ah wiilka. Akhristayaasha ayaa billaabay ka aragti dhiibashada sheekada.
Mid kamid ah dadka ka hadlay dhigaalka ayaa yiri: “Haddii aan heysan lahaa lacag igu filan, waxan iyadu ugu deeqi lahaa dhammaan lacagihii ugu baxay dhismaha masjidka.”